Isticmaalayaasha waxay soo geli karaan SMC iyagoon gelin erayaga sirta ah addoo isticmaalaya aqoonsiga wejiga ama sawirka faraha lagu kaydiyay qalabka moobilka IOS (Apple) isticmaalayaashu waxay soo geli karaan Aqoonsiga Wejiga ama Aqoonsiga Taabshada, ku xidhan qalabkooda Moobilka. Isticmaalayaasha Android waxay soo geli karaan iyagoo isticmaalaya iskaanarka qaada sawirka faraha.
Si loo istricmaalo shaqaynta, wejigaa ama aqoonsiga faraha la qaaday sawirkooda waa in lagu daaraa shaashada hagaajinta isticmaalsyaasha qalabkooda moobilka. Marka SMC ay hesho aqoonsiga wejiga ama faraha sawirka laga qaado qalabka moobilka ee isticmaalaha, ishaarid si loo daaro Aqoonsiga Wejiga (IOS), Aqoonsiga Taabshada (IOS), ama Sawirka Faraha (Android) ee SMC ayaa laga muujiyaa ka dib soo gelida abka erayga sirta ah.
Ka dib awood siinta sifadan, isticmaalyaashu way soo geli karaan iyagoo sawirka saaraya wejigooda ama faraha sawirka, iyadodo ku xidhan qalabkooda moobilka (hubu qalabka setinka). Qaabkan u shaqaynta waxaa loo daaraa si guud oo waa la xidhi karaa ama laga daari karaa shaashada setinka SMC. Marka la soo gelayo isticmaalka wejiga ama faraha sawirka laga qaaday, sharciyada caadiga ah ee dib u samaynta erayga sirta ah iyo muddada ay dhacayso ayaa weli la adeegsadaa. Marka isticmaalayaashu eraygooda sirta ah muddadiisu dhacdo oo ay soo galaan iyagoo isticmaalaya wejiga ama sawirka faraga kaga qaado, isla markaaba waxaa loo sheegaa inay dib u samaystaan erayga sirta ah.
|
![]() |
Shaashadan soo baxda waxaa la muujiyaa wakhtiga koowaad ee isticmaalahau soo galo ka dib ku kaydinta xogta wejiga ama sawirka faraha gudaha qalabka la isticmaalayo. Qoraalka shaashadan soo baxda way isbeddeshadaa iyadodo ku salaysan qalabka iyo haddii xogta wejiga ama sawirka faraha ay ogaato ama hesho SMC. |
![]() |